Gudoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in Gudoonka Baarlamaanka soomaaliya aysan jirin cid ku matalaysa Shirka Dhuusa-mareeb Xili shalay Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka uu ka dagey Dhuusa-mareeb.
Mursal ayaa sheegay in uu la yaaban yahay Sababta Mahad Cabdalla Cawad uu u aaday dhuusa-mareeb .
“Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cawad matalaad uu matalayo Golaha Shacabka kuma aadin magaalada dhuusa-mareeb,arintaas fajac ayay nagu noqotay marakaan aragnay sawirada isaga oo la socda Ra’iisul wasaaraha ,saaxiibkeen cawad danihiisa ayuu u aaday Dhuusa-mareeb ee anaga naguma matalo ,gudoon daba socda xukuumad waa ceeb”ayuu yiri Gudoomiye Mursal