Sunday, June 21, 2026
HomeWararDEG DEG:-Gudoomiye Mursal oo ku gacan sayray Shirka Dhuusa-mareeb

DEG DEG:-Gudoomiye Mursal oo ku gacan sayray Shirka Dhuusa-mareeb

Gudoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in Gudoonka Baarlamaanka soomaaliya aysan jirin cid ku matalaysa Shirka Dhuusa-mareeb Xili shalay Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka uu ka dagey Dhuusa-mareeb.

Mursal ayaa sheegay in uu la yaaban yahay Sababta Mahad Cabdalla Cawad uu u aaday dhuusa-mareeb .

“Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cawad matalaad uu matalayo Golaha Shacabka kuma aadin magaalada dhuusa-mareeb,arintaas fajac ayay nagu noqotay marakaan aragnay sawirada isaga oo la socda Ra’iisul wasaaraha ,saaxiibkeen cawad danihiisa ayuu u aaday Dhuusa-mareeb ee anaga naguma matalo ,gudoon daba socda xukuumad waa ceeb”ayuu yiri Gudoomiye Mursal

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe