Wararkii ugu dambeeyay Dhuusamareeb
Madaxda Ahlu Sunna oo kulamo la qaatay Ra’iisulwasaare Khayre ayaa diiday in ciidamo dheeraad ah la geeyo magaalada Dhuusamareeb maadama horey ciidan dowladu u geysay magaalada.
Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa dalbaday in Khayre saxiixo tirada xildhibaanada ay ku yeelanayaan baarlamanka Galmudug hase yeeshee R/wasaaraha ayaa diiday inuu saxiixo waxuuna sheegay in beelaha u taalo hab qeybsiga xildhibaanada.
Diid mada labada dhinac ayaa keentay kulamadii kusoo dhamaadaan natiijo la,aan.

