Urur-goboleedka IGAD ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay shirkii 18-aad ee Guddiga Xoghayeyaasha Joogtada ah ee CEWARN, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dalalka xubnaha ka ah ee ku aaddan ka hortagga colaadaha iyo ilaalinta nabadda gobolka.
Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay wakiillo ka socda dalalka xubnaha ka ah IGAD, iyadoo laga hadlay sidii loo horumarin lahaa nidaamyada digniinta hore ee colaadaha, loona hubin lahaa in xogta laga helo khataraha amni loo beddelo tallaabooyin ka hortag ah oo waqtigooda la qaado.
Ku-xigeenka Xoghayaha Fulinta IGAD, H.E. Maxamed Cabdi Waare, oo furitaanka shirka ka hadlay, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in digniinaha hore aanay ku ekaan xog ururin oo keliya, balse ay horseedaan tallaabooyin wax ku ool ah oo looga hortagayo colaadaha ka hor inta aysan sii ballaaran.
Ajandaha shirka waxaa sidoo kale ku jiray qiimeynta horumarka laga sameeyay ballanqaadyadii shirarkii hore, xoojinta nidaamyada digniinta hore ee heer qaran iyo diyaarinta mudnaanta istaraatiijiyadda CEWARN ee muddada 2026 ilaa 2030.
CEWARN waa hay’adda IGAD u qaabilsan la socodka khilaafaadka iyo digniinta hore, iyadoo xogta ay ururiso ka caawiso dowladaha iyo hay’adaha gobolka inay aqoonsadaan khataraha keeni kara colaado, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin looga hortagayo.
Shirka Muqdisho ka dhacay ayaa imanaya xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo caqabado amni, siyaasadeed iyo kuwo bulsho, kuwaas oo u baahan iskaashi iyo xog-wadaag joogto ah oo dhex mara dalalka gobolka.
Mudnaanta istaraatiijiyadda cusub ee 2026–2030 ayaa la filayaa inay door ku yeelato horumarinta hababka digniinta hore iyo xoojinta dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida dalalka IGAD.

