Friday, July 3, 2026
HomeWararDibaddaWararkii ugu dambeeyay Dagaal xoogan oo dib uga qarxay bariga gobolka Mudug.

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal xoogan oo dib uga qarxay bariga gobolka Mudug.

Dagaal xoogan ayaa saakay dib uga qarxay magaalada Galdodob ee gobolka Mudug oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda beelaha Sacad iyo Leelakase.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka u dhaxeeya labadaan maleeshiyo beeleed inuu ka qarxay sadax oo hoostaga magaalada Galdodob ee gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa lasoo warinayaa inuu yahay mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, hayeshee lama oga wali khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo wali socda.

Dagaalkaan culus ee saakay dhexmaraya labada maleeshiyo beeleed ayaa kusoo beegmaya, iyadoo 5 casho kahor dhinacyadaan uu dhexmaray dagaal sababay dhimashada in ka badan 10 ruux iyo dhaawac dhowr iyo labaatan kale.

Dagaalkaan dib uga qarxay bariga gobolka Mudug ayaa kusoo aadaya, iyadoo Maamulada Galmudug iyo Puntland horay u sheegeen in dagaal beeleedkaan joojin tiisa awood ciidan u adeegsan doonaan, mana jirto wax war ah oo haatan kasoo baxay labadaasi maamul.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe