Faahfaahino dheeraad aha ayaa ka soo baxaysa duqeyn maanta gelinkii dambe ka dhacday deegaan xeebeedka Suuj degmada Dangorayo ee gobol Nugaal ,Ragga duqeynta loo gaystay ayaa adeeg u geeyay markab lagu magacaabo Lutuf oo shalay ay qabsatay koox burcad-badeed ah, kaas oo la sheegay in uu leeyahay Turkiga, balse ku gooshayay calanka Cameroon.
Ragga oo ahaa lix nin oo watay Doon yar ayaa markii ay ka soo noqdeen markabka oo ay soo gaareen xeebka waxaa lala beegsaday duqeyn sababtay in ay dhintaan afarka ka mid ah, halka labadii kalana ay dhaawacmeen.
Sida xogta aan helnay sheegayso duqeynta waxaa fuliyay markab dagaal oo taagnaa meel ku dhow markabka qafaalan ee Lutuf.
Kooxda shalay qabsaday markabka Lutuf waxay hore u haystay markabka Sward, kaas oo ay qabsashadiisa u adeegsatay.
Deegaanka Suuj iyo Garmaal waxaa ku xiran labadan markab (Lutuf & Sward) iyo markabka Asana, kuwaas oo kooxaha haysta hore u dalbadeen lacago madaxfurasho.
Sidoo kale, ma cadda in duqeyntu ahayd howlgal qorshaysan oo lagu bartilmaameedsanayay koox burcad-badeed ah ama in ragga la beegsaday loo arkay inay qayb ka yihiin hawlaha markabka la haysto.
Warbixinno caalami ah ayaa xaqiijiyay in markabka Sward la qafaashay 26 Abriil 2026 meel u dhow Garacad, kadibna loo kaxeeyay xeebaha Puntland.
Dhacdadan waxay kusoo beegmaysaa xilli ay si weyn u soo laabatay burcad-badeednimada xeebaha Soomaaliya.
Hay’adda Midowga Yurub ee EUNAVFOR ATALANTA ayaa sheegtay in dhowr markab oo la qafaashay ay hadda ku jiraan xeebaha waqooyi ee Soomaaliya, iyadoo ay kooxaha burcad-badeeddu haystaan shaqaale badan .
Maraakiib ay kamid yihiin Sward, Honour 25, Eureka iyo Asana ayaa lagu xusay dhacdooyinka burcad-badeednimo ee 2026. EUNAVFOR waxay sheegtay in maraakiibtaas lagu hayo meelaha xeebaha Soomaaliya ah, iyadoo ciidamadeedu ay xaaladda si dhow ula socdaan.
Sward wuxuu kamid yahay maraakiibta ugu muhiimsan ee lagu xiriiriyay soo noqoshada burcad-badeedda Soomaaliya.
Markabka ayaa la qafaashay 26 Abriil, xilli uu ku safrayay dhanka Mombasa, waxaana la sheegay inuu watay shaqaale u badan Suuriyaan. Kadib afduubka waxaa loo jiheeyay xeebaha Puntland.
Warbixinno amni ayaa sidoo kale sheegay in markabkan loo adeegsan karo saldhig sabeynaya, iyadoo doonno yaryar laga soo adeegsan karo si loo weeraro ama loo qabsado maraakiib kale.
Markabka Asana ayaa isna kamid noqday maraakiibta dhowaan lagu qafaashay gobolka Gacanka Cadmeed, waxaana EUNAVFOR sheegtay in 17 Luulyo 2026 la qafaashay, kadibna uu ku dhammaaday xeebaha waqooyi ee Soomaaliya.
Sidaas darteed, xaaladda hadda ka jirta xeebaha Puntland ma ahan dhacdo ku kooban hal markab.
Waxay qeyb ka tahay xaalad ballaaran oo ay ku jiraan dhowr markab iyo kooxo hubeysan oo isku dayaya inay maraakiibta qafaashaan, xeebahana u adeegsadaan meel ay ku hayaan.
Khataraha cusub ee burcad-badeednimada Soomaaliya waxaa lagu xiriiriyay dhowr arrimood.
Qaar kamid ah falanqeeyayaasha ayaa tilmaamay in daciifnimada amniga xeebaha, dhaqaale xumada, iyo yaraanshaha joogitaanka qaar kamid ah ciidamada caalamiga ah ay abuureen fursado ay kooxaha burcad-badeeddu dib ugu soo laabtaan.
Sidoo kale, xiisadaha ka jira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa saameeyay qaabka ay maraakiibta ganacsigu u socdaan iyo awoodda ciidamada caalamiga ah ee ilaalinaya maraakiibta.
Ilaa hadda, ma jirto bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Puntland oo si faahfaahsan uga hadlay duqeynta, sidoo kalena lama xaqiijin cidda leh markabka dagaalka ee la sheegay inuu weerarka fuliyay.
Puntland waxay hadda wajahayaa laba caqabadood oo dhinaca amniga badda ah.
Mid waa soo noqoshada burcad-badeednimada, halka tan kalena ay tahay joogitaanka maraakiib iyo kooxo hubeysan oo ku sugan xeebaha.
Ciidamada Puntland Maritime Police Force ayaa muddo dheer door ku lahaa la-dagaallanka burcad-badeednimada, halka ciidamada caalamiga ah sida EUNAVFOR ATALANTA ay si joogto ah ula socdaan xaaladda badda. EUNAVFOR waxay sheegtay inay xiriir joogto ah la leedahay ciidamada Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee amniga badda.

