Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa horgeeyay Baarlamaanka Turkiga mooshin uu ku dalbanayo in la ogolaado in ciidamada Turkiga la geeyo badda Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa daba socota heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah oo ay wada saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya bishii Febraayo kaasoo ujeeddadiisu ahayd in lagu xoojiyo awoodda difaaca badda Soomaaliya iyo in la dhiso ciidan badeed oo ay yeeshaan dalalka Afrika.
Heshiiskan qarsoodiga ah ayaa la sheegay in la soo afjaray iyadoo laga jawaabayo heshiiskii Itoobiya ay la gashay maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland bishii Janaayo kaasoo Addis Ababa xaq u siiyay inay dhisto deked milateri.
Horaantii bishan, Turkiga wuxuu martigeliyay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya isagoo isku dayaya inuu dhexdhexaadiyo, xalna laga gaaro xiisadda ka dhalatay In kasta oo kulammada ay ku dhammaadeen bayaan wadajir ah oo ay ku muujinayaan rabitaanka in wax laga qabto, haddana ilo-wareedyo ayaa Middle East Eye u sheegay in Itoobiya inkasta oo dhexdhexaadinta bilawday ay muujisay rajo-gelin xooggan iyo diidmo in la horumariyo Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho.
Horumarkan ayaa sida muuqata soo dadajiyay ballan qaadka Turkiga ee Soomaaliya. Khamiistii Wasiirka Tamarta ee Turkiga, Alparslan Bayraktar ayaa heshiis sahaminta iyo soo saarista kaarboonka laga dhaliyo kula saxiixday dhiggiisa Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed magaalada Istanbul. Heshiiskan ayaa u fasaxaya shirkadda dawladda Turkiga ee TPAO in ay hawlo shidaal baadhis ah ka samayso saddex baloog oo kala duwan oo ku yaalla dhulka badda Soomaaliya.
Kormeerayaasha ku sugan magaalada Ankara ayaa sheegaya in laga yaabo in dowladda ay u dhaqaaqday sidii ay ciidamo u soo diri lahayd si ay u ilaaliyaan maraakiibta TPAO ee howlaha qodista ka sameyn doona biyaha Soomaaliya bilaha soo socda.
Mooshinka la horgeeyay baarlamaanka Turkiga ayaa codsanaya in la siiyo muddo labo sano ah iyadoo ay ku xiran tahay dib u cusboonaysiinta, taasoo awood u siinaysa madaxweyne Erdogan inuu keeno ciidamada lagama maarmaanka ah taasoo ay u badan tahay inay ka iman karaan ciidamada badda ee Ankara Sida ku cad mooshinkan oo ay aragtay Middle East Eye tallaabadan ayaa jawaab u ah codsi rasmi ah oo uga yimid dowladda Soomaaliya.
“Taageerada Turkiga waxaa ka mid ah caawinta argagixisada, burcad badeedda, kalluumeysiga sharci darrada ah, tahriibinta, iyo khataraha kale,” ayaa lagu yiri mooshinka. “Go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee December 1, 2023, ee ku saabsan la dagaallanka argagixisannimada ee Soomaaliya, ayaa sidoo kale saldhig sharci u ah iskaashigan.”
Mooshinka ayaa si toos ah u tixraacaya heshiiskii February lala galay Soomaaliya oo saldhig u ah tallaabooyinkan. In kasta oo Soomaaliya ay si rasmi ah u ansixisay heshiiska, waxa ku jira ayaa ahaa qarsoodi ilaa hadda. Xukuumadda Erdogan ayaan weli heshiiskan horgeyn baarlamaanka Turkiga si ay u ansixiyaan.
Sida ku cad qoraalka la socda mooshinka laga keenay Erdogan, ciidamada difaaca iyo amniga Soomaaliya inkastoo ay heystaan shaqaale iyo dhaqaale ku filan waxay u halgamayaan sidii ay si hufan u gudan lahaayeen waajibaadkooda caqabado dhaqaale. Heshiiskii Febraayo waxaa loogu talagalay in lagu tayeeyo awoodda Soomaaliya si ay u maareyso dhulkeeda badda iyo in kheyraadka badda lagu daro dhaqaalaha Soomaaliya.
Mooshinkan ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqaya muhiimadda ay leedahay in la sugo ilaha dhaqaalaha Soomaaliya iyo ka qeyb qaadashada xasiloonida gobolka iyo amniga danaha ganacsiga dibadda iyo gaadiidka badda ee Turkiga.
“Soo daabulidda ciidamada Turkiga waxaa la kaashan doona madaxda Soomaaliya waxayna dabooli doonaan aagagga badda ee Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray mooshinku.
Xiriidhka Ankara ee Soomaaliya oo soo bilaabmay 2011 markii Erdogan uu booqday Muqdisho macluusha ku dhufatay waxa uu ka soo baxay hindise bini’aadantinimo oo u noqday iskaashi amni iyo mid ganacsi oo dhammaystiran. Soomaaliya ayaa hadda martigelinaysa saldhiga ugu weyn ee Turkiga uu ku leeyahay dibadda. Intaa waxaa dheer, iibinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga uu ka iibiyay Itoobiya 2021-kii ayaa door muhiim ah ka ciyaartay dadaalladii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu ku doonayay in uu kaga adkaado ciidammada Tigrayga ee dagaalka sokeeye ee Itoobiya.

