Wednesday, May 6, 2026
HomeWararGudahaGuddoomiyaha Ururka SODMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Bakool si ay...

Guddoomiyaha Ururka SODMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Bakool si ay ugu kuur galaan xaaladda bini’aadantinimo.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka gaaray degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed, si ay ugu kuur galaan xaaladda bini’aadantinimo.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/naasir Cabdi Caruus iyo Mas’uuliyiin kale waxaana la filayaa in wafdigan ay u kuur galaan xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta deegaanadaasi, isla markaana ay xal u heli lahaayeen dhibaatooyinkaasi.

Maxamuud Macallin Cabdulle Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa tilmaamay in ay booqanayaan Xeryaha Barakacayaasha oo ay ku jiraan Qoysaskii ku barakacay Abaaraha, Fatahaadaha iyo dhibaatooyin kale.

Wafdiga ayaa marka ay qiimeeyaan xaaladda bini’aadantinimo ee deegaanka waxa ay go’aan ka gaari doonaan qorshaha xiga ee la sameyn doono maadaama ay Hay’adda SODMA u xilsaaran tahay gurmadka dadka ay soo wajahday xaalad adag.

Madaxda ugu sareysa SODMA ayaa tilmaamay in ay dadaal badan ku bixiyeen sidii loo caawin lahaa dadka ku dhibaateysan gobolada dalka maadaama ay kaalmo ka heleen dowlado iyo hey’ado kala duwan, waxa ayna balan qaadeen in ay sii laba jibaari doonaan dadaalkooda.

QORAALADA LA XIRIIRA

8 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe