Tuesday, July 28, 2026
HomeWararTurkiga oo ka mamnuucay cabista sigaarka goobaha leysugu yimaado.

Turkiga oo ka mamnuucay cabista sigaarka goobaha leysugu yimaado.

Turkiga ayaa Arbacadii mamnuucay in sigaar lagu cabo meelaha dadku ku badanyahay, si loo yareeyo kor u kaca ku yimid faafitaanka Koroona feyras, iyadoo dowladda uga digtay muwaadiniinta inay jabiyaan tallaabadaasi.

Kiisaska maalinlaha Covid-19 ee dalka Turkiga ayaa dhowaan soo kordhay, iyadoo 2,693 bukaan ah la diiwan geliyay shalay oo kaliya.

Ankara ayaana ugu badan kiisaskaasi meelaha laga helay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa sheegay in arrintani looga gol leeyahay in la saxo xirashada Mask-ga oo muwaadiniin badan ay hoos u dhigaan marka ay sigaarka cabayaan iyagoo ku sugan meelaha dadku ku badanyihiin.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe