Puntland ayaa maanta sii daysay 6 dhalinyaro oo qeyb ka ahaa dad loo haystay inay ku lug lahaayeen dilkii guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Gujir, oo qarax ismiidaamin ah lagu dilay 29 bishii March ee sanadkaan.
Dhalinyarada maanta xoriyadooda helay ayaa intuba waxay yihiin dhalinyarada ka shaqeysata dhaqida baabuurta, kuwaas oo muddo ka badan 8 bilood ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Garowe.
Maxkamada gobolka Nugaal ayaa ku weyday wax dambi ah, waxayna go’aamisay in xoriyadooda loosoo celiyo sida u, u sheegay  warbaahinta sarkaal katirsan laamaha amniga.
Maalinta berito ayaa sidoo kale la filayaa inay Puntland sii dayso labo qof oo kale oo iyagana lagu waayay wax dambi ah.
Madaxweynaha Puntland ayaa todobaadyo ka hor hay’addaha garsoorka u sheegay in aan xabsiyada lagu hayn karin cid aan dambi lahayn.

