Sunday, March 23, 2025
HomeWararGuddoonka Barlamaanka Hirshabeelle Oo Balan Qaadkii Ugu Horreyay Sameeyay

Guddoonka Barlamaanka Hirshabeelle Oo Balan Qaadkii Ugu Horreyay Sameeyay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Maxamed ayaa sheegay in afarta sanno ee soo socta ay ka shaqayn doonaan Hirshabeelle xasilloon oo aan mooshin iyo is-qab qabsi lahayn.

Guddoomiyaha oo boggaadiyay howshii adkayd oo la qabtay ayaa shacabka ku ammaanay dadaalladii ay ku bixiyeen sidii amniga qeyb ay uga qaadan la haayeen xilli xasaasi ah oo lagu jiro doorashooyin.

Cabdixakiin Luqmaan ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaanada Maamulka  inay la shaqeeyaan Madaxda Cusub ee Maamulka uu yeeshay si loo gaaro horumar dhina kasta ah oo la doonayo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa tilmaamay in hamigoodu yahay Hirshabeelle oo amni iyo barwaaqo ah isagoo carrabka ku adkeeyay in kaligood aysan wax qaba karin laakiin ay ku dadaali doonaan in la abuuro jawi ay ku wada shaqeeyaan maamulka iyo bulshada Hirshabeelle.

Magaalada Jowhar ayaa maalmo kahor ka dhacday Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa yuusuf Daba-geed.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe