Saturday, July 13, 2024
HomeWararDibaddaTaliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ka qeyb galay Munaasabad ay ku...

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ka qeyb galay Munaasabad ay ku qalin jabinayeen Saraakiil ka socotay dalka Rwanda.

S/guuto Sulub Axmed Firin, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa dhawaan ka qeyb galay munaasabad ay ku qalin jabinayeen saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ka dhacday dalka Rwanda.

Saraakiishan ayaa soo gebagebeeyey barnaamij waxbarasho oo degdeg ah, kaas oo isugu jiray hoggaaminta ciidamada, maamulka iyo maaraynta, iyo maaraynta nabadda iyo xasaradaha, iyadoo ay ku dhammaatay shahaadada heerka labaad ee Jaamacadda Rwanda.

Munaasabadda shahaadooyinka lagu guddoonsiinayay askartan oo ka kooban 34-askari oo ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa lagu soo gaba-gabeeyay barnaamij adag oo tababar loogu soo xirayay saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliya, kuwaasoo qaarkood ay ka qaybgaleen saraakiil ka kala socotay dalal Afrikaan ah.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay sida ay uga go’an tahay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sare u qaadista tayada iyo xirfadda saraakiisha, iyadoo la hubinayo in si wanaagsan loo qalabeeyay si ay wax uga qabtaan caqabadaha qalafsan ee dhanka amniga ah.

Barnaamijkan tababarka oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Rwanda ayaa saraakiisha lagu siiyay waxbarasho dhameystiran oo la xiriirta dhinacyada kala duwan ee booliska, sida hoggaaminta, maamulka iyo xallinta khilaafaadka. Aqoontaasi waxay noqon doontaa mid qiimo weyn ku leh dadaalka ay ugu jiraan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo ka qayb qaadashada iskaashiga amniga gobolka.

Intii ay socotay xaflada ayaa waxaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay ardayda qalin jabisay guulihii ay soo hooyeen, waxaana uu ku nuux nuuxsaday muhiimada ay u leedahay xirfadaha cusub ee ay barteen dadaalada socda ee lagu dhisayo Soomaaliya amni iyo barwaaqo.

Waxa kale oo uu aad ugu mahadnaqay Jaamacadda Rwanda iyo dawladda Rwanda oo gacan ka gaysatay bixinta barnaamijkan tababarka.

Qalinjabinta saraakiishan ayaa waxa ay ka dhigan tahay guul weyn oo laga gaaray dadaallada socda ee lagu xoojinayo ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo sare u qaadida tayada ciidanka si ay wax uga qabtaan caqabadaha amni ee dalka ka jira.

Xirfadaha iyo aqoonta cusub ee saraakiishu waxay shaki la’aan gacan ka geysan doonaan dadaallada socda ee lagu horumarinayo nabadda, xasilloonida, iyo horumarka Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

  1. Thanks I have just been looking for information about this subject for a long time and yours is the best Ive discovered till now However what in regards to the bottom line Are you certain in regards to the supply

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe