Saturday, July 13, 2024
HomeWararDibaddaDhageyso:- Diyaar garowga Ciida oo laga dareemayo Suuqyada Magaalada Baladweyne.

Dhageyso:- Diyaar garowga Ciida oo laga dareemayo Suuqyada Magaalada Baladweyne.

Sare u kac ayaa laga dareemayaa qiimaha la kala siisto xoolaha nool gaar ahaan Ariga iyadoo ay dadka isku diyaarinayaan udxiyada Ciida Carafo.

Dad badan ayaa maanta ka iibsanayay suuqyada xoolaha magaalada baladweyne Ari aad u badan waxaana laga dareemayaa mashquul xooggan iyadoo taasi ay jirto ayaa hadana waxaa qiimaha la iibinaya ariga uu yahay mid sare uga kacsan sidii hore.

Suuqyada ayaa dadka waxaa ay u imaanayaan gadashada Xoolihii ay qali lahaayeen Maalinta Ciidul Adxa oo ku beegan berri.

xuseen cali oo ka mid ah dadka xoolaha Suuqa ka iibsanayay ayaa uga warramay warbaahinta ay tahay Maanta Xaaladda Suuqa iyo qiimaha la kala siisanayo xoolaha nool suuqyada baladwyn.

“Suuqa maanta Xaaladdiisa aad ayay u sarreysaa ariga Maanta halkii neef waxaa uu Marayaa qiimo u dhaxeeya 120-60 dollar neefka ugu raqiisan waxaa la iibinayaa qiimo dhan 50 dollar “.

Suuqyada lagu iibiyo xoolaha ayaa waxaa ku sugan dad badan oo doonaya iibsashada xoolaha waxaana ka mid ah dadkaasi maxamed sheikh oo Suuqa u yimid in uu iibsado Xoolo waxaa uu u sheegay warbaahinta in sanadkan qiimaha uu ku iibsanayo xoolaha waxaa uuna yiri.

“Halkan waxaan ka soo doontay Ari qiimihiisana wuu sarreeyaa Maadaama ay tahay Ciidul Adxa hadda neefka Ariga waa qaali lacagtiisa magaalada lacag soomali ma ka socoto doolar un ayaa wax lagu iibsanayaa magaaladan.

Ganacsatada xoolaha iibiya ayaa waxaa ay sheegayaan in uu jiro sare u kac dhanka qiimaha xoolaha ah iyaga oo ku sababeeyay dadka oo aad u iibsanaya xoolaha.

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

  1. I just wanted to drop by and say how much I appreciate your blog. Your writing style is both engaging and informative, making it a pleasure to read. Looking forward to your future posts!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe