Saturday, July 13, 2024
HomeWararDibaddaGuddiga Xuquuqul Insaanka Itoobiya oo ku baaqay in la joojiyo colaadda ka...

Guddiga Xuquuqul Insaanka Itoobiya oo ku baaqay in la joojiyo colaadda ka soo cusboonaatay gobollada Canfarta iyo Soomaalida.

Hay’adda xuquuqul insaanka Itoobiya ee EHRC ayaa ku baaqday xabbad-joojin deg-deg ah oo looga jawaabayo iska-horimaadyo hubeysan oo kasoo cusboonaaday, dad rayid ah iyo barakaca ka socda deegaannada Canfarta iyo Soomaalida. Inkastoo heshiis xabbad joojin ah la gaaray bishii Abriil, xiisadda ayaa sii kordhaysay tan iyo horraantii bishii Juun taasoo keentay isku dhacyo goosgoos ah oo ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta gobolka.

“Colaaduhu waa inay joogsadaan, waana in la xoojiyaa dadaallada ku wajahan xalalka waara ee nabadda,” EHRC ayaa ku sheegtay war-saxaafadeedka Jimcihii. Guddigu waxa ay carabka ku adkeeyeen baahida degdega ah ee loo qabo in la ilaaliyo dadka rayidka ah lagana hortago in ay dhibaato kale dhacdo,iyaga oo iftiimiyay dagaaladii u dambeeyay ee ay ku yeesheen naf iyo maalba.

Ku xigeenka madaxa komishaneer Rakeb Messele ayaa ku booriyay maamulada federaalka inay xoojiyaan taageeradooda si loo joojiyo rabshadaha. “EHRC waxay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ay khusayso in lagu dhiirigaliyo farxadda Ciidul Adxaa si looga hortago dhibaato kale oo soo gaarta dadka rayidka ah ee ku nool deegaannada,” ayuu yiri Messele, isagoo ku baaqay midnimo iyo isu-naxaris inta lagu jiro xilligan xasaasiga ah.

Colaadda u dhaxaysa Canfarta iyo Soomaalida ayaa ah mid asalkeedu yahay mid taariikhi ah oo qoto dheer, waxaana dabada ka riixaya tartanka kheyraadka iyo dhulalka. Si wax looga qabto arrimahan muddada dheer soo jiitamayay, Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Federaalka ayaa bilaabay hindise cusub oo dib u heshiisiin bishii Maarso 2024. Hindisaha ayaa ujeedadiisu tahay in la abuuro wada-hadal iyo xal nabadeed, iyadoo guddi dib-u-heshiisiineed oo ka kooban wakiillo ka kala socda labada gobol iyo maamullada federaalka la dhisay si ay u fududeeyaan doodaha socda iyo ka hortagga colaadaha mustaqbalka.

Iyadoo dadaaladaasi ay jiraan, ayaa waxaa 6-dii June 2024-ka ka dhacay Gobolka Sitti iska horimaad sababay khasaare naf iyo maalba leh. Iska horimaadkan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana labada dhinac ay ka kala carareen ciidamada ammaanka ee gobolka. Dib-u-soo-noqoshada rabshadaha waxay muujinaysaa habacsanaanta geeddi-socodka nabadda iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay dadaallada la xoojiyay.

Warbixinta Isbeddellada Colaadeed ee Itoobiya ee gobolka Canfarta ayaa ku nuuxnuuxsatay in nabad waarta ay u baahan tahay in wax laga qabto sababaha keenay colaadda oo ay ka mid yihiin tartanka kheyraadka iyo muranka dhulka. Talooyinka lagu heli karo nabad waarta waxaa ka mid ah horumarinta dhaqaalaha, hagaajinta maamulka, iyo wada-hadallada ay fududeeyeen labada maamul ee gobollada iyo federaalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe