Sunday, August 9, 2026
HomeWararDibaddaTaliska cidianka lugta Soomaaliya oo sheegay in 80 Alsabaab ah lagu dilay...

Taliska cidianka lugta Soomaaliya oo sheegay in 80 Alsabaab ah lagu dilay dagaalkii ka dhacay Caad

Taliyaha ciidanka lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed, Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in ka badan 80 Alshabaab ah in lagu qaarajiyay dagaallo 48 saac ee ugu dambeeyay ka dhacay degaannada Caad iyo Baraag Sheikh Ismaaciil oo hoos yimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Taliyaha ciidanka lugta oo saakay la hadlayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka oo kaashanayay kuwa Galmudug iyo kuwa degaanka ay Alshabaab ka saareen degaano in muddo ah farriisin u ahaa, oo ay kasoo abaabuli jireen weerarada.

“Dhul ballaaran oo runtii buuraley ah oo nimankani saldhigyo ku lahaayeen oo ciidamadu kula dagaalameen oo laga saaray, baa waxaa jira sifayntiisii. Nimankaasi waa lagu jebiyay degaankaas,” ayuu yiri taliyuhu.

Wuxuu sheegay taliyuhu in dowladda ka furatay hub aad u tiro badan, isagoo sheegay in maalmaha soo socda ay warbaahinta usoo bandhigayaan degaanada lagala wareegay Alshabaab iyo khasaaraha loo geystay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe