Monday, August 24, 2026
HomeWararDibaddaOlolaha Doorashada Dowlad-Goboleedka Puntland oo sii xooggaystay.

Ololaha Doorashada Dowlad-Goboleedka Puntland oo sii xooggaystay.

Waxaa sii xooggaystay ololaha Doorashada Dowlad-Goboleedka Puntland iyada oo maalinba maalinta ka dambaysa ay sii kordhayaan musharrixiinta isusoo taagaysa qabashada Xilka Madaxweynaha & Ku xigeenkiisa ee Dowlad-Goboleedkaas.

Musharrixiinta kala aragtida duwan ayaa mid weliba waxa uu dhaqdhaqaaq siyaasadeed ka wadaa Magaalada Garoowe xarunta Dowlad-Goboleedka Puntland waxaana waddooyinka lagu dhejiyay sawirrada iyo hal ku dhigga musharrixiinta.

Hoggaanka Sare Amniga ee Guddiga Doorashooyinka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa diyaariyay ciidamo loogu talagalay in ay kahortagaan rabshado ka dhaca Magaalada Garoowe xiliyada ay bannaanbaxyada dhiganayaan musharrixiinta.

Hoteellada & goobaha kala ee ku dhow Madaxtooyada Dowlad-Goboleedka Puntland waxa ka socda kulamo kala duwan oo Habeen & maalin halkaas ka dhacaya si Musharrax weliba uu u sameeyo dhaqdhaqaaqa uu u arko in uu muhiim u yahay.

Dhanka kale waxaa hadal-hayn badan dhaliyay sida uu noqon doonno xaalka Xildhibaannada deegaan-doorashadoodu tahay Deegaannada SSC-Khaatumo maadaama Garaadada dhaqanka & Maamulka KMG ah wadajir u shaaciyeen in ay ka baxeen DG Puntland.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe