Saturday, July 13, 2024
HomeWararDibaddaSSC Khaatumo Oo Somaliland Uga Digtay In Lasoo Weeraro Laascaanood.

SSC Khaatumo Oo Somaliland Uga Digtay In Lasoo Weeraro Laascaanood.

Suldaanka Guud ee Beelaha Dhulbahante, ahna Madax-dhaqameedka ugu Sarreeyo SSC Khaatumo, Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa Somaliland uga digay inay weerar ku soo qaado Laascaanood.

Garaad Cali oo dhawaan ka soo laabtay socdaal uu ku soo maray gobolada Sool iyo Sanaag ayaa ku nuuxnuuxsaday in ficilkoodu uu yahay mid difaac oo kaliya.

“Dhul iyo hanti cid kale duulaan kuma nihin, dantayadu waa inaan ilaalino waxa xaqayaga ah iyo inaan difaacno dhulkeena,” ayuu yiri Garaad Cali. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Laascaanood ay ka tirsan tahay SSC Khaatumo, isla markaana aysan cidna la wadaagin. Isagoo ka hadlaya wararka xanta ah, waxa uu intaas ku daray, “Waxaan maqlayaa dad ku andacoonaya in Laascaanood aanu luminayno, laakiin taasi maaha.

Hadda ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo ayaa ku sugan deegaano ka tirsan gobolka Sool. Wakiilka Somaliland u jooga dalka Kenya ayaa dhawaan sheegay in gobolka Sool uu kasii mid ahaan doono Somaliland, isagoo meesha ka saaray in ay kala go’aan.

Bishii hore ayay ahayd markii taliye ka tirsan ciidamada Somaliland uu ku dhawaaqay inay doonayaan inay dib u qabsadaan Laascaanood, iyadoo saraakiisha SSC Khaatumo ay ka hortageen hanjabaado ay ku sheegeen inay ku wajahan yihiin Ceerigaabo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe