Saturday, July 13, 2024
HomeWararDibaddaDowladda Federaalka oo ku Dhawaaqday Dhismaha Cusub ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Dowladda Federaalka oo ku Dhawaaqday Dhismaha Cusub ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qorshe cusub oo lagu dhisayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo looga gol leeyahay in lagu yareeyo ciriiriga xooggan ee ka jira garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee hadda. Waxaa sidaasi ku dhawaaqay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Macalin Xasan.

Garoonkan cusub ayaa lagu wadaa in laga dhiso degmada Ceeljamaaq, waxaana go’aankan uu salka ku hayaa baahida loo qabo in la dajiyo duulimaadyada gudaha iyo dibadda ee sii kordhaya. “Magaalada Muqdisho waxay yeelan doontaa garoon diyaaradeed cusub oo laga heli karo adeegyada ay u baahan yihiin nooc kasta oo diyaaradeed oo isaga kala goosha dalka iyo dibadda. Dhulkaas waanu qiimaynay oo waa dhul ku haboon in laga hirgaliyo dhismaha madaarka waxaanu soo gunaanaday sahan ka socday. Muddo shan sanno ah ayaanu qiimaynaynay jawiga garoonka cusub,” ayuu yidhi Axmed Macallin Xasan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu carabka ku dhuftay in Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde uu ka mid yahay kuwa ugu mashquulka badan Caalamka, islamarkaana ay ka duulaan in ka badan 200 oo Duullimaad maalin kasta. Gaadiidkan aadka u badan ayaa keenay baahida loo qabo garoon diyaaradeed labaad si loo hubiyo habsami u socodka hawlaha iyo adeega wanaagsan ee rakaabka iyo diyaaradaha.

Garoonka cusub ee Ceel-jamaaq ayaa la filayaa inuu wax weyn ka dhimo culeyska ka jira garoonka Aadan Cadde, isagoo fududeynaya khibradaha dhanka socdaalka iyo in si hufan loo maareeyo duulimaadyada. Mashruucu, waxa uu intaa ku daray, in uu hoosta ka xariiqayo sida ay dawladda uga go’an tahay kor u qaadista kaabayaasha iyo tayada waaxda duulista ee qaranka.

Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa shantii sano ee la soo dhaafay waday sahan iyo qiimeyn ballaaran oo lagu ogaanayo goobta ugu habboon iyo xaaladda garoonka cusub. Goobta la doortay ee Ceel-Jamaaq ayaa buuxisay dhammaan shuruudaha lagama maarmaanka u ah, iyadoo la hubinayo in ay noqon doonto mid istiraatiiji ah oo faa’iido u leh kaabayaasha Muqdisho.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe