Home Warar Soomaaliya oo QM kala hadashay dardar gelinta howlaha gurmadka

Soomaaliya oo QM kala hadashay dardar gelinta howlaha gurmadka

67

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaraanka Mudane Amb: Jamaal Maxamed Xasan oo maanta xarunta dhexe ee wasaaradda kulan kula qaatay xubano ka socday xafiiska QM-ka ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayay  ku-xigeenka wakiilka  QM-Soomaaliya Mr:  Adam Abdelmoula, ayaa looga hadlay dar-dar galinta shaqooyinka arrimaha bani’aadinimada, horumarinta dhinacyada arrrimaha bulshada iyo deggaanka.

Kulanka waxaa  uu ahmiyad gaar ah siinayaa howlgalinta qaab-dhismeedka xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya, kaas oo dar-dar galinaya howlaha baaxadda leh ee ku cad Qorshaha Hourmarinta Qaranka iyo Istaraatijayada UN-Soomaaliya 2021-2025.

Sidoo kale waxaa la is la gartay in la xoojiyo arrimaha bani’aadinimo ee haatan taagan, sida in xarunta ka jawaab celinta  dhibaatooyinka in ay si buuxda u shaqeyso, iyo xoojinta adeegyada nidaamka dalka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Amb: Jamaal Maxamed Xasan ayaa tilmaamay in ay qeyb ka noqoto xafiiska UN-ka ee Soomaaliya isku-duwida ay hoggaanka u tahay dowladda (Government led-Coordination).

Waxaa Wasiirka ku wehliyay shirka qaar ka mid ah madaxda Wasaaradda Qorsheynta iyada oo kullanka la isku raacay in la xoojiyo horumairnta arrimaha kor lagu xusay.