Friday, April 26, 2024
HomeWararKenya oo soo dhoweysay Warbixintii IGAD ( War-Saxaafadeed)

Kenya oo soo dhoweysay Warbixintii IGAD ( War-Saxaafadeed)

Guddiga ka kooban 7 Xubnood ee urur Goboleedka IGAD uu u xil saaray xaqiiqio raadinta sababaha keenay khilaafka dowladda Soomaaliya & Kenya iyo tabashada ay gudbisay dowladda Soomaaliya ayaa qodobo soo saaray, iyada oo qodobadaas ay soo dhaweeysay Dowladda Kenya.

War kasoo baxay dowladda Kenya ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Warbixinta Guddiga, waxana lagu sheegay in warbixinta guddiga ay caddeyn u tahay in eedeymaha Soomaaliya ay ka dhanka ah Kenya ay yihiin “kuwa aan sal laheyn”.

“Annaga oo la shaqaynayna maamullada kala duwan ee Soomaalida, wax kharash ah kuma rabno in aan ka shaqayno xasilloonida Soomaaliya”, waxaana warbixintan ay cadeyneysaa in eedeynta Soomaaliya aysan waxba kajirin ay aalgu yiri” Qoraalka kasoo baxay Kenya.

Waxay kale oo intaas ay ku dartay Kenya  inay caddeyn u tahay in go’aanka ay Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya uu ahaa mid qiil laheyn oo saameyn taban ku yeeshey Soomaalida gargaarka iyo adeegyada kale u raaadsada Kenya, howlgalka Amisom iyo nolosha shacabka labada dal.

War kaan kasoo baxay Kenya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maanta dowladda Soomaaliya ay sheegtay in Warbixinta Guddiga IGAD ay ka been sheegeen shaqadii loo diray, isla markaana aysan ku qanacsaneyn warbixinta ay soo saareen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe