Sunday, April 20, 2025
HomeWararSoomaali U Tartameysa Kursi Ka Banaan Gobalka Wiskonsin Ee Mareykanka

Soomaali U Tartameysa Kursi Ka Banaan Gobalka Wiskonsin Ee Mareykanka

Waxaa aad u sii kordhayso Tirada Somali-Maraykanka ka mid noqonaya Golayaasha Degmooyinka iyo kuwa Heerka Qaran ee dalka Maraykanka.

2 Murashax oo Somali-Maraykan ah oo lagu kala magacaabo Isaaq Maxamed iyo Faysal Axmed ayaa la sheegay inay u tartami doonaan Kursi ka bannaan Golaha Furan ee magaalladda Barron ee Gobalka Wiskonsin ee dalkaasi.

Murashax Isaaq Maxamed waxa u usheegay inuu doonayo inuu noqdo qofka ugu horreeya ee u tartama Kursigaasi, wuxuuna rajo ka muujiyey inuu ku guuleysan doono.

Waxa uu intaasi ku daray inuu doonayo inuu Wakiil u wada noqdo Mujtamaca ku wda nool magaalladda Barron iyo inay sharaf u noqon doonto inay cod yeeshaan dadka Soomaalida ee deggan magaalladaasi.

Murashax Isaaq Maxamed waxa kale oo uu tilmaamay inuu isagoo Qaxooti ah yimid Maraykanka, haddana uu yahay Muwaadin Maraykan, oo caawiya Mujtamaca Soomaalida ku nool Barron, isla markaana uu horey u taageeray Dowladda Maraykanka.

Dhinaca kale, Murashaxa Labaad oo lagu magacaabo Faysal Axmed ayaa sheegay inuu doonayo inuu u tartamo Kursigaasi, si uu ugu baraarujiyo carruurtiisa inuu qof Qaxooti isagoo kale ah  inay awoodi karaan inay wax fiican samaystaan, iyagoo u adeegaya Mujtamacooda.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxda magaalladda Barron ayaa sheegay inuusan marnaba Golaha deegaanka xubin ka noqonin qof Soomaali ah, oo iyagu ka mid ah Mujtamaca laga tirada badan ee ku nool magaalladaasi.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe