Waxaa lagu guuleystay in la damiyo dabkii xalay ka kacay Suuqa weyn ee Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya, islamarkaana ay ku yaallaan ganacsiyo kala duwan.
Dabka ayaa ka kacay qeybnta Hudheyda dukaan yar oo ku yaalla, waxaana uu gaaray ilaa iyo qeybta Maacuunta oo ku dhegan Suuqa Khaliifa.
Gaadiidka dabdamiska Shirkaddaha sidda gaar ah loo leeyahay iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa goor dambe ku guuleystay in ay dabka damiyaan.
Qaar ka mid ah Ganacsatadda Suuqa ayaa Codka Gobollada Dhexe u sheegay in Hanti badan ay ku ku gubatay dabkii xalay, islamarkaana uu ahaa Mid ka mid ah kuwii ugu cuslaa ee Suuqa soo mara.
Ilaa iyo haatan lama oga khaasaraha rasmiga ah ee dabkaasi ka dhashay balse waxaa wali socda Baaritaano kala duwan.
Wariyaha Codka Gobollada Dhexe Ee Muqdisho Ibrahim Mohamed Mayow Bashka Ayaa Goor Sii Horreysay U Warramay Abdi Rashid Ali Mohamed.
Hoos Ka Dhageyso Codka Oo Dhameystiran:-