Saraakiil u hadlay dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa warbaahinta la wadaagay in ay todobaadka ina soo aadan ay bilaabayaan howlgal nabadeed ay isku baheysteen wadamada bada Cas ay ku xeerantahay oo ay kamid yihiin Djibouti,Egypt, Jordan Sudan,Yemen iyo Saraakiil Soomaali ah.
Howlgalkaan ayey ku sheegeen in uu yahay mid dhanka badda ah oo wadamadaasi ciidamadooda badda oo iskaashanaya ay ka fulinayaan bada Cas iyo biyahya xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ku dhaw dhaw.
“Howlgalkaani waa mid lagu doonayo in lagu xasiliyo baddacas lagagana hor tago wax kasta oo carqaladeyn kara isku socodka bada ee xurta ah, waxaana hubnaa in uu ku yaraanayo dhaqdhaqaaqyada burcad badeeda, argagaxisiada iyo wax waliba oo nabada wax u dhimaya” ayuu sheegay taliyaha Ciidamada boqortooyada Sacuudiga Generaal Fahad Bin Cabdallah.
“Howlgalkaan waxaa uu xoojinayaa wada shaqeynta wadamada ku bahooway” ayuu intaas kusii daray taliye Fahad oo warbaahinta ugu warbinxinaayay howlgalkaani
Waxa ay u muuqataa in howlgalka Red Wave 1 oo ay sacuudiga hal abuurkiisa leeyihiin in lagu riixayo howlgalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida ee Atlanta oo midowga yurub iyo xulufadooda hor kacayaan.