Friday, April 18, 2025
HomeWararFaa Faahino Ka Soobaxaya Weerar Xalay Boosaaso Ka Dhacay

Faa Faahino Ka Soobaxaya Weerar Xalay Boosaaso Ka Dhacay

Kooxo hubeysan ayaa Xalay  Salaadii Maqrib kadib waxa ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ku sugnaa Barxada Weyn ee ku taalla kasoo horjeedka Xarunta Shirkadda Golis ee Magalada Boosaaso.

Ciidamada la weeraray ayaa fadhiyay Goob maqaayad ah oo ku taalla Barxada weyn ee kasoo horjeeda Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Golis,waxaana weerarkaas lagu dilay 2 askari halka laba kale ay ku dhaawacmeen.

Dad ku sugan Boosaaso ayaa waxa ay sheegeen in raggii weerarka soo qaaday ay goobta ka baxsadeen,isla markaana askarta dhimatay iyo kuwa dhaawacmay la geeyay Isbitaalka Bardam Qaasim ee Magalada Boosaaso.

Xaalada  Magalada Boosaaso ayaa Xalay Aheed mid kacsan,waxaana wadooyinka Magalada Boosaaso lagu arkayaa ciidamada Booliska puntland oo wada howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarkaas.

QORAALADA LA XIRIIRA

8 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe