Monday, June 16, 2025
HomeWararSomaliland oo shaacisay in uusan saameyn doonin khilaafka dowladda Somalia & Kenya

Somaliland oo shaacisay in uusan saameyn doonin khilaafka dowladda Somalia & Kenya

Iyada oo uu booqasho rasmi ah ku joogo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu kulan la qaato Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo ka wada hadli doono arrimo dhowr ah.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadli doonaan Danaha labada dhinac ka dhaxeyn doona, isla markaana ay heshiis wada gaari doonaan.

Wasiirka oo la hadlay BBC-da ayaa wax laga weeydiiyay Arrimaha jaadka oo Dowladda Federaalka Soomaaliya joojisay, waxaana uu sheegay in Soomaaliland uu si caadi ah jaadka u tago lagana cuno.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in khilaafka ka dhaxeeya Dowladaha Kenya & Soomaaliya uusan saameyn ku laheyn soomaaliland, isla markaana dowladda Kenya ay kala hadli doonaan waxyaabo dan u ah Soomaaliland.

Ugu dambeyn Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir  waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in wada-hadalka dhex-mari doona Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi & Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta in wax wanaagsan kasoo bixi doonaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa uu khilaaf diplumaasiyadeed kala dhaxeeya dowladda Kenya, waxana 20 bishaan la filayaa in shir looga hadlayo khilaafka labada dhinac lagu qabto dalka jabuuti, kaas oo ay soo qaban qaabiyeen Urur Goboleedka IGAD.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe