Home Warar DHAGEYSO:- Ciidamada amniga Buulo-barde oo gacanta ku dhigay dad Hilib Dameer...

DHAGEYSO:- Ciidamada amniga Buulo-barde oo gacanta ku dhigay dad Hilib Dameer ku iibinayay suuqa Bulo-barde ee gobolka hiiraan

177

Magaalada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle waxaa shalay ka dhacay Banaanbax xoogan oo ay dhigeen inta badan dadka deegaanka Magaaladaas kunool.

Dadweyne isugu jiray dhalinyaro, Caruur iyo Haween ayaa isugu soo baxay bartamaha Magaalada Buulo-burte, kuwaasi oo aad uga careysnaa Dameer saakay lagu qalay Suuqa xoolaha ee ku yaalla Magaaladaas.

Dadka banaanbaxa dhigaayay ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaaafay la isla dhex marayay gudaha Magaalada warar sheegaya in Suuqa xoolaha lagu iibiyo Hilib Dameer, hayeeshee Maanta la arkaya Hilib dameer oo yaalla Suuqa.

Sawirro laga soo qaaday Dameerka la gowracay laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa muujinayay in dameerka la qalay, ayna dadka maqaarka iyo lafaha dameerkii ku dhex jiidayeen gudaha Magaalada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.

 

Ciidamada Ammaanka degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay gacanta ku dhigeen Nin lagu eedeeyay in uu suuqa degmadaaasi ku iibin jiray Hilib dameer, kaas maalmo ka hor ay ka banaanbaxeen bulshada degmadaas.

Ninka la qabtay ayaa iska fogeeyay eedeynta loo jeediyay, isaga oo sheegay in hilibka uu u adeegsan jiray in uu Mallaay ama kalluun ku dabto.

Duqa degm,ada degmada BuuloBurde iyo Kusimaha Taliyaha Booliska degmada Buulo-Burde ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen dadka Hilibka dameerka qali jiray, hayeeshee aysan jirin warraka sheegaya in Suuqa lagu iibinayay hilibka dameero.

Waxaa ay sheegeen in dadka arrintaan loo xiray ay sheegeen inay hilibka dameerka u adeegsan jireen inay mallay kusoo dabtaan, sidoo kalea ay baaritaano dheri ah sameyn doonaan.

Maalmo ka hor ayaa degmada Buulo-Burde waxaa banaanbax ka dhigay qaar kamid ah bulshada ku nool, iyaga oo dalbanayay in wax laga qabto dad Hilibka dameerka ku iibinayay degmada balse ilaa iyo hadda aysan jirin cid sirasmi ah u xaqiijisay.

W/D: Bashiir cabdulahi cismaan

Baladweyne.soomaliya