Sunday, February 9, 2025
HomeWararMahad Salaad ” Caro iyo Cunto la diido kuma jirto casharada siyaasada...

Mahad Salaad ” Caro iyo Cunto la diido kuma jirto casharada siyaasada Soomaaliya”

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in carro iyo cunto la diido aanay ku jirin casharada siyaasadda, kaddib markii xalay Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka baaqsaday munaasabad sagootin iyo casho sharaf loogu sameeyay Madaxtooyada Puntland.

Tallaabadan ayaa aheyd mid si weyn looga hadal hayay Garowe, kaddib markii la arkay Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeraya goobaha bulshada isugu timaado, halkii laga sugayay Munaasabaddii Casho sharafta sagootinta aheyd ee Madaxyooyada Garowe.

Dad kala duwan ayaa ku tilmaamay tallaabada Ra’iisul Wasaaraha ku diiday casho sharafta ay tahay mid ku cusub dhaqanka siyaasadda.

“Caro iyo Cunto la diido kuma jirto casharada siyaasada Soomaaliya”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, taasoo ugala jeeday tallaabadii Ra’iisul Wasaaraha ku diiday casho sharaftii Garowe.

Munaasabadii casha sharafta ee xalay ka dhacday Garowe ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada ka soo jeeda Puntland ee safarka ku wehliyay Ra’iisul Wasaaraha.

Si kastaba ha ahaatee Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta ka soo tagaya Garowe, isagoo aan ku guuleysan arrimihii uu u tagay Puntland.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe