Friday, June 19, 2026
HomeWararDibaddaSiciid Deni oo xilka ka qaaday Taliyaashii Ciidanka Daraawiishta kuwa cusubna Magacaabay

Siciid Deni oo xilka ka qaaday Taliyaashii Ciidanka Daraawiishta kuwa cusubna Magacaabay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 47 ee 24-ta October, 2023, kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Siciid Deni ayaana xilka ka qaaday taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta iyo kuxigeenkiisa, waxa uuna hadda u magacaabay taliyaha Daraawiishta S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi, halka kuxigeenkiisa loo magacaabay S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac.

Wareegtada magacaabista ayaa u qorneyd sida tan :

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda
Ciidanimo.Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

2. Waxaa S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Ilig) loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe