Macallimiintii ay shaqaaleysiisay Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha & Tacliinta sare ee DFS qeyb kamid ah kuwa gobolka Hiiraan ku qoran ayaa wajahaya xaalad adag kadib markii nin guddoomiye ugu magacaaban Waxbarashada gobolka oo lagu magacaabo Cabdifitax Dhaqane Cumar uu si qabyaaladeysan u xannibay xuquuqdii ay dowladda ka heli lahaayeen,
Iyadoo macallimiinta xogtan ila wadaagay sheegeen in hadafkoodu yahay iney boosaska macallimiintaas dad ayagu wataan ku beddeshaan.
Macallimiintan oo markii hore si beegsi ah loogu qoray tuulooyin an laheyn goob waxbarasho iyo kuwa ay adagtahay iney ku noolaadaan sababo amni iyo inan wax ehel ah u degganeyn halkaa ayaa xayiraadda xuquuqdooda loo cuskaday ineysan shaqo rabin, halka qaar kale oo an hal maalin u shaqa tegin goobaha waxbarasha xuquuqdooda an laga taaban.
Gobolka Hiiraan oo musuqa iyo nin jecleysigu aad ugu badnaa sanadihii lasoo dhaafay ayaa waaxdii waxbarashada la filayey iney ka fiyowdahay hadda dhiiqeysantahay.
Macallimiintan sanad ku dhowaad waxay ahaayeen shaqo la’aan waayo shaqadoodii ayey ugasoo tageen iney shaqaale ka noqdaan WWH&TS, imtixaan ayey galeen, Interview ayey mareen, tababar ayey galeen walina lama maareyn.
Gudonka waxbarasha gobolka Hiiraan ayaa ubaahan is isbadal deg deg in l

