Shuruudo cusub oo lagu xiray dal kuyaalla Yurub si uu ugu biiro NATO iyo Midowga Yurub

0
79

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u jooga Galbeedka Balkans ayaa sheegay Arbacadii, in looga baahan yahay Kosovo inay madaxbanaani dheeraada siiso deegaanada ay ku badan yihiin Seerbiyiinta ee ku yaalla dhinaca woqooyi ee dalkaas, haddii ay rabaan inay u sii dhowaadaan ku biiritaanka isbahaysiga NATO iyo Midawga Yurub.

Rabshado ayaa ka dillaacay deegaanada ay ku badan yihiin Serbiyiintu, ka dib markii ay xukuumadda Kosovo ay xafiisyo ku yaalla deegaankaas ay xilka ku wareejisay maayaro ka soo jeeda dadka Albania, ka dib markii lagu doortay doorasho ka dhacday deegaankaas bishii April, hase ahaatee arrintaas waxaa aad uga cadhooday dadka Seerbiyaanka ah oo isu arka inay yihiin dadka u badan dhinaca woqooyi ee dalkaas.

Ergeyga Maraykanka Gabriel Escobar ayaa ku booriyey Kosovo inay kala baxdo ciidamadeeda iyo maayarada la doortay, deegaanada ay ku badan yihiin Seerbiyiintu, si hoos loogu dhigo xiisadda, isla markaana la qabto doorasho ay ka qaybgalaan Serbiyiinta.

Madaxweynaha Kosovo oo waraysi siiyey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in dalkeedu uu doorashooyin ka qabanayo deegaanada ay Seerbiyiintu ku badan yihiin, haddii 20% oo ka mida codbixiyayaashu ay sameeyaan codsi ay ku dalbanayaan in doorasho la qabto.

Seerbiyiinta ku nool woqooyiga Kosovo ayaa bishii December ee sannadkii hore iska casilay xafiisyada dawladda, iyaga oo dalbanaya inay helaan madaxbanaani dheeraad ah, sida uu dhigayo heshiiskii ay ka odayaysay Midawga Yurub ee sannadkii 2013.

Source Voa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here