Friday, April 18, 2025
HomeWararGudahaNin gacan yare u ahaa sargaal sare oo katirsan Al Shabaab oo...

Nin gacan yare u ahaa sargaal sare oo katirsan Al Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay

Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay nin katirsanaa dagaalyahannada Al Shabaab, kaa oo dowladda sheegtay in uu gacan yare u ahaa sargaal sare oo katirsan Al Shabaab.

Siciid Moogow Maday ayas dowladda sheegtay in uu ahaa gacanta midig ee horjooge Cabdiraxmaan Garweyne oo katirsan saraakiisha sar sare ee Al Shabaab, waxa uuna ninkan kooxda u qaabilsan yahay Gobolka Hiiraan .

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa ninkan kusoo bandhigay degmada Xudur, waxa uuna ninkan sheegay in Al Shabaab katirsanaa sannado badan uuna kasoo qeyb qaatay dagaalo kala duwan.

Maalmo kahor ayaa magaalada Baydhabo lagu soo bandhigay toban xubnood oo katirsanaa Al Shabaab, kuwaa oo la sheegay in kooxda kasoo goosteen iskuna soo dhiibeen ciidanka dowladda.

QORAALADA LA XIRIIRA

10 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe