Wednesday, January 14, 2026
HomeWararAxmed Madoobe xariga ka jaray Xarunta 2-aad ee Hay’ada Socdaalka & Jinsiyadaha

Axmed Madoobe xariga ka jaray Xarunta 2-aad ee Hay’ada Socdaalka & Jinsiyadaha

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta labaad ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha xariga kaga jaray Xaruntan Cusub oo ah mida labaad ee meel ka baxsan Muqdisho ay hay’adu ku leedahay gaar ahaan Jubaland.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyada Xaruntan Cusub ay u leedahay shacabka ree Jubaland inay tahay mid weyn loona baahan yahay inay ka faa’iidaystaan maadama xuduud dheer aan la leenahay dalalka Kenya iyo Itoobiya isla markana isku socdka bulshada ay qeyb weyn ka qaadanayso.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in dhawaan la furi doono xuduudka aan la leenahay Kenya taas oo shaqada Hay’adan wax badan kusoo kordhinaysa muhiimna u ah isku socodka bulshooyinka labada dhinac.

Madaxweynaha ayaa sheegay in masuuliyiinta hay’ada looga baahan yahay inay adeegyada ay bixinayaan ay shacabka u fududeeyaan iyadoo la raacayo sharciyada iyo hanaanka shaqada ee saxda ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe