Shirkada Spectrum Ee Sahminta Shidaalka ayaa Kahadashay Khilaafka Diblumaasiyadeed Ee Kadhaxtaagan Wadamada Soomaaliya iyo Kenya Oo Xiligaan Xaalkooda uu Cakiranyahay.
Shirkadaan ayaa ah Shirkadii Sameysay Sahminta Sidaalka Soomaaliya Kuna Qabatay Magaalada Londen Ee Caasimada Dalka UK 7-Bishaan Ee Loogahadlayay Soosaarka Shidaalka Soomaaliya.
Shirkada Waxa ay Beenisay in Dhulka ay isku Muransanyihiin Soomaaliya iyo Kenya uu Kamid ayahay Goobaha ay Kasamaysay Sahmin Sidaalka Soomaaliya.
Xeebaaha Maamulka Putland ayay Xusatay Shirkada in Lagabilaabay Sahminta Sidaalka Soomaaliya ilaa iyo Xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya.
Shirkada Spectrum Waxa ay Xustay in Halka ay Kacarootay Dawlada Kenya aysan Qayb Ka ahayn Goobaha Laga Sameeyay Xog aruurinta Xirmooyinka Shidaalka Soomaaliya.
Dawlada Kenya ayaa Kudooday in Xirmooyinka Sahminta Shidaalka Ee Soomaaliya ay Kusoobandhigtay Shirkii Kadhacay Magaalada Londen ay Qayb Ka aheed Dhulka Labada Dawladood Ee Soomaaliya iyo Kenya.
Waxa ay Dalkeeda Kasoocayrisay Safiirka soomaaliya u qaabilsanaa Kenya Ee Tarsan iyadoona Muqdisho uga Yeertay inuu Dagdag uga Soobaxo Safiirkeeda Soomaaliya Loca Tombo Taasi oo Xumaysay Xiriirka Labda Dal Ee Soomaaliya iyo Kenya.
Kenya Waxa ay iskudayaysaa in awood yarida Soomaaliya ay Kagafaa,iidaysato Jabinta iyo Gacan Marooqsiga Qaybo Kamida Dhulka iyo Bada Soomaaliya iyada Oo Shuruudo Kadhigtay in Soomaaliya ay Katanaasusho Muranka Dhanka Bada iyo Dacwada Labada Dal Ee Taala Huig Waa Hadii ayay Yiraahdeen ay Soomaaliya Doonayso in Dib Loosoociliyo Xiriirka Dib limaasiyadeed Ee Kenya Kaladhaxeeya.