Is-Fahanwaa ayaa Sookala Dhax-galay shirkada DP World iyo xukumada Madaaxweyne Muuse Biixi Cabdi Sida ay Sheegayaan ili Xog ogaal ah .
madaxweyne-xogeen Soomaaliland Cabdiraxman Saylici ayaa ujeedada uu u tagey dalka Imaaraadka ay la xidhiidhaa arin ku aroorta heshiiskii ay xukumadii Siilaanyo hore ula gashay, kaaso oo uu soo baxay in ay jirto fahan la’aan nooca heshiiska iyo xukumada Muuse Biixi oo aan hayn nuqulka rasmiga ah ee heshiiska lagula galay DP World.
Sida ilahani sheegayaan waxa Saylici todobaadkan kulano aan la shaacin la qaatay madaxda shirkada DP World, isagoo ay ku wehliyaan xubno la taliye u ah. Kulanka DP World ayaa ilahani sheegeen in uu ahaa mid iftiimiyey mugdi ku jira heshiiska, isala markaana ayna cadayn waxa ay Somaliland heshiis ku badalatay.
Xukumada Muuse Biixi ayaa hadda la sheegay in ay heshiiskii hore si weyn u saluugsan tahay, isla markaana aanay waxban ka ogayn qoraalo badan oo hore la isku weydaarsaday, kuwaas oo qeexayey heerka wada-xaajoodku soo maray iyo waxa la isla meel dhigay. Fulin la’aanta qodobadii hore bulshada loogu sheegay laba sano ka hor, ee sida balaadhinta dekeda Berbera, dhismaha wado isku xidha Berbera ilaa Wajaale iyo nooca heshiiska Saldhiga Berbera oo aan aan cadayn ayaa keenay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku rogaal celiyo DP World, doorkana u diro ku-xigeenkiisii oo hadda ku sugan dalka Imaaraadka.
Madaxweyne -ku xigeenka ayaa kulano uu la qaatay DP World madaxdooda lagu lafa guray in heshiiskii dib loo eego, siiba qodobada ay Somaliland ka faa’idayso, waxaana madaaxweyne-xigeenku la miis tagey qodobo cusub oo aan marna lagu sheegin heshiiskii hore.
1- In Imaaradku kabo dakhliga xukumada Somaliland iyo inuu ka caawiyo kobcinta dhaqaalaha, iyo in Baanan Imaarad ah laga furo Somaliland, laguna xidho ka Somaliland.
2-In ay ka caawiyaan xoojinta adeegyada dhakhtarada iyo caafimaadka Somaliland
3- In Imaaraadku safka hore ka galo u ololaynta qadiyada Somaliland
Halkaan KadhagaysoÂ