Sunday, May 31, 2026
HomeWararShirka Golaha wadatashiga oo Maalintii labaad galaya

Shirka Golaha wadatashiga oo Maalintii labaad galaya

Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah xarunta teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho kulan kuleh Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka, kaas oo ay ka qeyb galayaan Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda 5-ta Dowlad Goboleed & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka oo shalay furmay ayaa diirada lagu saarayaa amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Maanta ayaa la filayaa in Golaha wadatashiga qaran ay dood adag ka yeeshaan caqabadaha heysta doorashooyinka dalka, sida looga gudbi karo iyo waqtiga rasmiga ah ee la soo geba-gabeen karo doorashada Golaha Shacabka.

Shacabka Soomaaliyeed iyo Indhaha Caalamka ayaa kusii jeeda Shirka Golaha wadatashiga  Qaran, kaas oo lagu jaangoyn doono howlaha doorashooyinka si looga gudbo xiisada siyaasadeed ee kajirto Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe