Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmaya shir looga hadlayo ka hortagga dhoofinta dhuxusha Soomaaliya,iyada oo ay ka qeybgelayaan dhinacayada daneeya arrintan.
Shirkan waxaa uu ka dhici doonaa Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho,waxaana ka qeyb gelaya Hay’adaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Degaanka iyo Beeraha,sidoo kale waxaa ka qeybgelaya xubno ka socda Midowga Europe iyo Qaramada Midoobey.
Shirkan waxaa maalgeliyay Ururka Midowga Europe,iyada oo qaban qabaadana uu leeyahay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.
Dhinac Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ku matalaya Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaana la filayaa in uu khudbad ka jeediyo.
Dhoofinta dhuxusha Soomaaliya waxaa 2012kii joojiyay Qaramada Midoobey kaddib markii qaraar ka soo baxay lagu mamnuucay ka ganacsiga dhuxusha Soomaaliya.
Waddamada Carabta ayaa u badan dhoofiga dhuxusha Soomaaliya,waxaana si toos ah iyo si dadbamba ay uga dhoofiyaan Dekadaha Soomaaliya sida Kismaayo,Baraawe iyo meelo kale.
Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Degaanka ayaa sheegtay in tan iyo 2011kii la jaray 8.1Milyan oo Geed oo ku yaallay Soomaaliya lagana dhigay dhuxul.