Thursday, February 13, 2025
HomeWararShir Looga Hadlayo Amniga Deegaanada Jubbaland Oo Ka Socda Kismaayo. green tea...

Shir Looga Hadlayo Amniga Deegaanada Jubbaland Oo Ka Socda Kismaayo. green tea benefts

Waxaa gelinka dambe ee maanta lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose lagu soo gabagabeeyo shir looga hadlayo amniga guud ee maamulka Jubbaland.

Shirkan oo mudo laba maalmood ah ka socday magaaladaasi ayaa waxa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland, qaar ka mid ah saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala deegaanada maamulkaasi.

Intiisa badan shirkan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socoda gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee K/ Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in sare loo qaado howlgallada ka socda deegaanada maamulkaasi, si Al Shabaab looga saaro guud ahaan Jubbaland.

Shirka oo shalay furmay ayaa waxa daah-furay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

https://holistickenko.com/green-tea-zen-superfood/

holistic kenko

green tea benefts

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe