Askari ka tirsan ciidamada Nabad suggida ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxaa uu ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada Ilaalada Wadooyinka.
Dilkaan ayaa ka dhacay degmada Hodon, waxaana la dilay Askariga xilli uu ku howlanaa kala hagida Gawaarida Wadada Mareysa.
Ciidamada Ammaanka ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay gacanta ku dhigeen Askarigii dilka geystay.
Lama ogga Sababaha rasmiga ah ee ka dambeeyay in Askarigaan uu dilo Askariga kale