Home Warar Sheekh Shariif oo dalka dib ugu laabtay kana hadlay qodobo muhiim ah

Sheekh Shariif oo dalka dib ugu laabtay kana hadlay qodobo muhiim ah

179

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh  Axmed sidoo kalena ah gudoomiyaha golaha Musharaxiinta oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa si adag uga hadlay xaaladda dalka oo uu sheegay in ay mareyso meel halis ah.

Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku fashilantay in ay keento doorasho lagu wada qanacsan yahay, taas badalkeeda ay qorsheysan boob iyo in lagu dhibaateeyo Shacabka Muqdisho.

Waxaa uu xusay in shalay ciidanka dowladda ay soo buux dhaafiyeen xaafada ay degan yihiin Musharaxiinta, isagoo sheegay in ciidanka dowladda ugu baaqay  in aan loo adeegsan waxyaabo ka baxshan sharciga.

Shariif ayaa tilmaamay haddii xukuumadda Soomaaliya ay ilaalin weysay sharciga oo dadkii soo banaan baxay dhibaatooyin loo geystay in aysan jiri doonin cid ilaalinaysa sharciga.

Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in aysan jiri doonin cid sifo sharci daro ah ku joogta Villa Soomaaliya qofkastana uu bixi doono markii uu dhameysto waqtigiisa.