Friday, February 13, 2026
HomeDhageysiSawirro+Dhageyso:- Dab Sababay Khasaare Hantiyadeed Iyo Mid Nafeed Oo Xalay Ka Kacay...

Sawirro+Dhageyso:- Dab Sababay Khasaare Hantiyadeed Iyo Mid Nafeed Oo Xalay Ka Kacay Suuqa Wadajir

Waxaa lagu guuleystay in  damino dab xalay  ka kacay suuqa weyn ee degmada wadajir Abaaro 12:30 saq dhexe, waxaana dabkaasi uu burburiyay qeybo ka mid ah suuqa gaar ahaan halka lagu Magacaabo Qandallada.

Markii uu dabku ka kacay waxaa si deg deg ah u gaaray goobta Kooxaha Gurmadka deg dega ah, kuwaasoo xalay saqdhexe ku guuleystay in ay damiyaan dabka.

Si rasmi looma xaqiijin karo waxyaabaha sababay dabka iyo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Balse Wararka Qaar Ayaa Sheegaya In Dabka Uu Ka Kacay Koronto waxaana maamulka gobolka Banaadir ay sheegeen in ay tirakoob ay ku sameyn doonaan Khasaaraha dabka.

Cabdullahi Cali Dalabey Oo ka Mid Ahaa Dadka Deegaanka Isla-Markaana Qayb Ka Ahaa Dadkii Illaa Xalay Ka Qayb Qaadanayey Dabinta Dabka Ayaa Codka Gobollada Dhexe Uga Warramay Sida Uu Dabku U Kacay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

Waxa Uu Sheegay In Ogaantiisa Ay Dabkaas Ku Bas Beeleen in Ka Badan 55 Goobo Ganacsi Ah Sidoo Kale Waxa Uu Tilmaamay In Hal Ruux Oo Ah Wiil Dhalin-yaro Ah Uu Ku Geeriyooday Dabkaas.

Dab-Demiska Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Ayuu Sheegay In Ay Kaalin Weyn Ka Qaateen Daminta Dabkii Xalay Ka Kacay Suuqa Degmada Wada-jir Ee Gobolka Banaadir.

Dhinaca Klae Taliyaha Saldhig Galbeed ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Daahir ayaa warbaahinta u sheegay in baaritano lagu sameyn doono waxyaabaha soo celceliyay gubashadda Suuqyadda Muqdisho, islamaraana la xisaabtami doonaan Shirkaddaha Korontada.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga C/llaahi Dalabey Oo Dhameystiran:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe