Thursday, September 10, 2026
HomeWararMareykanka Oo Joojinaya Shaacinta Khasaaraha Ka Dhasha Duqeymaha Ay Ka Fuliyaan Soomaaliya

Mareykanka Oo Joojinaya Shaacinta Khasaaraha Ka Dhasha Duqeymaha Ay Ka Fuliyaan Soomaaliya

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa ku dhawaaqay in ay guud ahaan ay joojiyeen Shaacinta Khasaaraha ka dhasha weeraradda Ciidamada Mareykanka ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay xoojin doonto duqeymaha,taasoo badalkeeda dowladda Mareykanka ay shaacinta Khasaaraha u deysay dowladda Soomaaliya, maadaama xilliyadda ay dhacaan duqeymaha labadda dhinacba ay soo saaraan warar is khilaafsan.

Afhayeen u hadlay taliska ayaa shaaciyay in tilaabaddaan ay timid ka dib markii kulamo kala duwan ay yeesheen Madaxda ugu sareysa taliska.

Howlgalladda Mareykanka ayaa inta badan, waxaa ka qeyb qaata Ciidanka sidda gaarka ah u tababar ee Soomaaliya.

In dowladda Soomaaliya ay shaaciso Khasaaraha weeraradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhalankarta in ay xoogeysato Wada shaqeynta taliska iyo dowladda Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe