Waxaa Maanta oo sabti ah Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada muqdisho lagu dhaariyay wasiiradii dhawaan uu magacaabay Ra’isulwasaare xasan Cali Kheyre.
Dhaarinta Waxaa goobjoog ka ahaa gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaliyeed Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Labadiisa Ku Xigeen iyo Raisalwasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guueed Khadar
Dhaarinta kadib ayuu gudoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman kula dardaarmay Wasiirada in ay u dhaga nuglaadaan la xisaabtanka gudiyadda Baarlamanka ay ku sameynayaan xubnaha golaha Wasiirada.