Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo madaxwayne ku xigeenka maamulka galmudug ayaa maanta soo gaaray magaalada cadaado ee Xarnta Baarlamaanka Galmudug.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, kan Degmada Cadaado iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada cadaado.
Wafdigaan uu hogaaminayay madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxmed xaashi Cabdi ayaa waxaa qayb ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali gacal Casir iyo xildhibaano Katirsan Baarlamaanka Galmudug.
Maxamed Xaashi cabdi Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Cali gacal casir Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, ayaa maalmihii u danbeeyay Kulamo lagu xalinayo khillafka ka dhwxjira madaxda galmudug waxaa uu uga socday magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiinta Maanta soo gaaray Cadaado kama aanay hadlin Ujeedka Safarkooda iyo waxa ka soo baxay Kulamdii Muqdisho.
Â
Â
Â
Â
Â