Munaasabaddan oo lagu suu xirayay tartanka Heer Qaran ee Qur’aan Aqriska ee u dhaxeeyay arday ka kala timid Muqdisho iyo Gobolada Dalka waxaa ka qeybgalay raiisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Wasiiradda Cadaaladda,Diinta iyo Arrimaha Owqaafta,culimaa’udiin iyo mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Qatar oo barnaamijkan taaba gelinaysay.
Cabdi Nuur Xaaji Cali oo ah madax hay’adda Qatar Charity oo maalgelinaysay tartankan qur’aan aqriska ah ayaa balanqaaday in ay sii joogtayn doonaan dhiiroigelinta barashada iyo kor u qaadista qur’aanka Kariimka.
“Waxaan u mahadcelinayaa wasaaradda Diinta iyo Owqaafta oo barnaamijkan si wanaagsan u qabatay, hadii aanahay Qatar waxaa nagu balan ah in kor u qaadno oo aan dhiirogelino qofkasta oo diyaar u ah in uu kor u qaado qur’aanka Kariimka,waxaana ka soo bixi kara arrintan wanaag,waxaana tixgelin la siinayaa ardaydii ka qeybqaadatay tartankan,anada dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaan dhisnay dugsiyo qur’aan oo sharciyaysan,waana ka shaqeynaynaa”. Ayuu Yiri Cabdi Nuur.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) kuxigeenka raiisul Wasaaraha Dalka ayaa sheegay in hadii lagu dhaqmo qur’aanka kariima lana barto ay horseedayso in bulshadu ay horumar ku gaarto.
“Muhiimadda qur’aanka Kariimka uu inoo leeyahay waxaa siweyn uga hadashey culimada’aan ku dadaalno dhamaanteena in aan xafidno oo aan micnihiisa barano,waxaan u hambalyeynayaan waalidiintii iyo maclimiintii ku dadaashey ardaydani,hadii qur’aanka la fahmo iyo ku dhaqankiisu ayaa muhimada weyn leh,waxaana markaasi bulshadu uu u horseedayaa midnimo,wada jir wanaag,marka aan ku dadaalno tarbiyada caruurta oo saldhig looga dhigayo qur’aanka Kariimka.Ayuu yiri Mahdi Guuleed.
Waxaa ugu dambeyntii abaalmarino la guddoonsiiyay ardaydii ku guuleysatay tartankan intii uu socday,iyadoo ay ka qeybgaleen ilaa 25 arday,waxaana dadka ku guuleystay ay heleen abaalmarino lacageed oo kala duwan.