Tuesday, January 21, 2025
HomeWararSAWIRRO:-Saraakiil Soomaali ah oo tababar loogu soo xiray Turkiga

SAWIRRO:-Saraakiil Soomaali ah oo tababar loogu soo xiray Turkiga

Dalka Turkiga ayaa waxaa Lagu soogabangabeeyay Tababar Loo Qabtay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno Kakalasocday Ilaa Iyo 36dal oo ay soomaaliaya Kamidtahay.

Saraakiisha iyo Saraakiil xigeenada Tababarka looqabtay ayaa  Kakala Socday NATO,Afrika Iyo assia.

Gaashanle Maxamed Tahliil Maxamed oo kamid ah saraakiisha tababarka ku soo qaatay Dalkaasi Turkiga ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii ay barteen iyo sida ay ugu faraxsan yihiin.

“Waxaa nahay 63 oo saraakiil iyo saraakiil xigeeno ah,waxaan baranay Fakaltiyo kala duwan oo ciidanka Xooga Dalka ah,waxaan ku faraxsanahay in aan tababar la qaadanay ilaa 36 Dowladooda askartooda,kuwaasi oo ka kala socda NATO,Afrika iyo Assia aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta qalinjebino,waxaan aad u soo dhaweynaynaa oo aan ku faraxsanahay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ay halkani munaasabadda nagala soo qeybgalaan, mahad ballaaran ayaan u celinaynaa dowladda Turkiga oo walaalaha nahay sida ay inoo garab taagan tahay”. Ayuu yiri Gaashaanle Tahliil.

Dawlada ayaa turkiga ayaa kamida dawladaha sida wayn u taageera soomaaliya kuna dadaala sidii soomaaliya ay ku gaarilahayd isku filnaansho una helilaheeh Ciidan ku filan sugida amniga Dalka oo dhan

.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe