Home Warar Ciidamada Amaanka oo baydhabo Ku Qabtay Labo Nin oo Alshabaab Ah

Ciidamada Amaanka oo baydhabo Ku Qabtay Labo Nin oo Alshabaab Ah

799

Fiidnimadii Xalay Ciidamada Amaanka Koofur Galbeed Ayaa Waxaa Ay Howgalo Ka sameeyeen Magaalada Baydhabo Ee Xaruunta Gobolka Bay Waxaana Ay Gacanta Ku Soodhigeen Labo Nin oo La sheegay in Ay Ka Tirsanyihiin Alshabaab.

Saraakiisha Ciidamada Howgalka Sameenaya Hugaaminaya Ayaa Sheegay raggan in sanadkii hore Magaalada Muqdisho ay ku dhaawaceen nin dhalinyaro ahaa, iyagoo sida la sheegay meyd ahaan uga tagey, balse dib laga ogaaday in uu nool yahay.

Waxaa Sidoo Kale Saraakiishu Sheegeen In Ay Magaalada Baydhabo Uga Dabatageen Islamarkaasna Wali U Hanjabaya.

Jimcihii ayay raggan iyo ninkii ay doon doonayeenba ay si lama filaan ah isugu arkayn suuqa weyn ee Baydhabo, waxaana dhacday in ninkaasi uu u qaylo dhaansado ciidan suuqa ku sugnaa, kuna wargeliyay in raggani ay Shabaab yihiin, isla-markaana uu doonayo in loo qabto, maadaama ay Muqdisho ugu gaysteen dhaawacyada uu hadda ka bogsaday.

Labadan nin oo xilligii la qabanayay aan wax hub ah aanan wadan ayaa si nabadgelyo ah isugu dhiibay ciidanka, kadib markii lagu amray inaanay wax dhaqdhaqaaqi ah samayn karin.

Ciidamada Booliska oo raggan lagu wareejiyay ayaa waxa ay u kaxeeyeen xarumaha hay’adaha amnigu ku leeyihiin magaalada Baydhabo, si baaritaano dheeri ah loogu sameeyo.