Thursday, June 25, 2026
HomeWararGudahaCiidanka Booliiska Muqdisho oo xiray wariye lagu eedeeyay aflagaadeynta garsoorka

Ciidanka Booliiska Muqdisho oo xiray wariye lagu eedeeyay aflagaadeynta garsoorka

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliiska Caasimadda, ayaa sheegay inay fuliyeen amar maxkamadeed oo lagu soo qabtay Wariye Cabdullaahi Abuukar Cali, oo loo yaqaano Diirshe Ali, kaddib markii lagu eedeeyay falal ay sheegeen inay baal marsan yihiin sharciga dalka, isla markaana jabinayaan qawaaniinta iyo anshaxa mihnadda saxaafadda.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Booliiska, eedeysanaha ayaa lagu haystaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada, kaas oo uu ku dhaliilay hay’adaha garsoorka dalka.

Booliiska ayaa sheegay in hadalladaas iyo eedeymo kale oo uu baahiyay ay ka baxsan yihiin anshaxa iyo qaanuunka, isla markaana ay dhaawacayaan sumcadda iyo karaamada hay’adaha caddaaladda.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Cabdullaahi Abuukar Cali lagu eedeeyay faafinta warar aan sal iyo raad lahayn, sameynta borobogaando marin-habaabin ah, iyo baahinta xog lagu tilmaamay mid wax u dhimaysa amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta bulshada.

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa adkeeyay in xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahintu ay yihiin xuquuqo uu damaanad qaaday sharciga dalka, balse ay waajib tahay in loo adeegsado si waafaqsan shuruucda dalka, anshaxa mihnadda saxaafadda iyo mas’uuliyadda ilaalinta nabadda, amniga iyo wadajirka bulshada.

Booliiska ayaa sidoo kale uga digay dadka u adeegsada warbaahinta iyo baraha bulshada faafinta warar been-abuur ah, marin-habaabin ama falal lid ku ah sharciga iyo amniga dalka, iyagoo sheegay in cid kasta oo ku lug yeelata arrimahaas lala tiigsan doono caddaaladda.

Wariye Cabdullaahi Abuukar Cali ayaa la filayaa in la horgeeyo hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh dacwaddiisa, si loo mariyo habraacyada sharciga ee dalka u yaalla sida booliska sheegeen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe