Home Warar SAWIRRO:- Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka DFS Oo Muqdisho ka furay Shirka Horumarinta...

SAWIRRO:- Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka DFS Oo Muqdisho ka furay Shirka Horumarinta Mashaariicda Dalka.

211

Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka  ayaa Magaalada Muqdisho ka furay maanta shirka Billaha ah  ee looga hadlo Mashaariicda horumarineed ee Dalka ka socda,Amniga iyo Siyaasadda.

Shirkan waxaa ka qeyb-galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya, xubno ka socda Dowlad Goboleedyada Dalka ,Safiirada Dalalka Caalamka u jooga Soomaaliya iyo Hay’adaha gar-gaarka ee Qaramada Midoobey.

Sidoo kale inta uu socda shirkan qodobada looga hadlayo waxaa kamid ah Fatahaadaha Dalka ka jira iyo sida Dowladda iyo Beesha Caalamka uga jawaabeen Masiibooyinkan saameynta ku yeeshay Dadka Soomaaliyeed.