Wednesday, November 29, 2023
HomeDhageysiDhageyso:-Putland Oo dil ugu Goodisay Ciddii Taageerta Maamulka Soomaaliland.

Dhageyso:-Putland Oo dil ugu Goodisay Ciddii Taageerta Maamulka Soomaaliland.

Kulan wareed ay goordhow ku qabteen Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland  Guddiga Difaaca Puntland waxa ay sheegeen  inay ka go’antahay xoraynta gobolka Sool iyo degaanada kale ee ka Maqan Puntland.

Puntland waxa ay sheegtay in ay tilaabo adag in ay qaadi doonto Ganacsatadda Puntland hadii ay ganacsi la sameeyaan maamulka Somaliland.

Wasiirka Amniga Puntland, Axmed Cabdullaahi Yusuf (Dowlad) oo akhrinayay 11 qodob ay soo saareen guddiga, ayaa waxaa kamid ahaa in Puntland ay dil ku fulin doonto cid kasta oo jaajuus u ah ama taageerta Somaliland.

Sidoo kale waxaa Guddiga dambi qaran ku tilmaamay cid kasta kasoo horjeeda tallaabada Puntland ay ku xoraynayso dhulka ka maqan.

Waxaa uu sheegayWasiirka Amniga Puntland in Puntland aysan cadow ku ahayn shacabka ku nool gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Hoos Ka dhageyso Codka Wasiirka Oo Dhameystiran:-


QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe