Wednesday, January 15, 2025
HomeWararSAWIRRO:- Putland Oo Ciidamo dheeraada geysay Degaanka Tukaraq iyo Xiisad dagaal oo...

SAWIRRO:- Putland Oo Ciidamo dheeraada geysay Degaanka Tukaraq iyo Xiisad dagaal oo ka taagan.

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in Maamulka Puntland uu halkaasi geeyey Ciidamo farabadan maadaama ay halkaasi ka taagan tahay xiisad dagaal.

Waxaa weli Tukaraq ay isku-horfadhiya Ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland oo dhowr jeer horay u dagaalamay.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadaas ay ka yimaadeen Magalada Khardho ee Gobolka Bari,isla markaana ay ku biirayaan ciidamada Puntland ee ku sugan furimaha dagaalka.

Dad badan ayaa Ciidamadaas shaki ka muujiyey maadaama weli labada ciidan ee puntland iyo Soomaaliland ay ishor-fadhiyaan,balse waxaa la sheegayaa in ciidamadaas uu amray in ay halkaasi tagaan taliyaha Ciidamada Puntland.

Deegaanka Tukaraq waxaa wali ka tagaan xiisad dagaal oo u dhaxeysa Maamuladda Somaliland iyo Putland taasi oo ka dhalatay Muran ku aadan cidda maamuleysa Deegaankaan oo ka tirsan Gobolka Sool.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe