Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxan ayaa barahooda ku baahiyay in ay ku dileen illaa iyo 2 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgallka AMISOM ee Soomaaliya , halka ay ku dhawaaceen 15 kale.
Sidoo kale Al Shabaab ayaa sheegtay in qaraxan ay ku burburiyen gaari Gaashaaman oo ay lahaayeen Ciidamadaasi, sida ay hadalka u dhigeen.
Warkan ka soo baxay Al Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaraxaasi lagu weeraray Ciidanka Burundi, xilli ay gurmad u fidinayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo shalay qarax miino lagula eegtay nawaaxiga degmada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/ Dhexe.
Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Ciidamada AMISOM oo la xariira qaraxaasi.
Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Waddada dheer ee xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ka dhacayay weeraro jidgal ah oo Al Shabaab ay ka fulinayeen Waddadaasi.